Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ha ahaato nebigeenna Muxammed, iyo Ehelkiisa, Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).
“Ogoow quruxi waa diin, dawo guurna waa samir” halku dhiggaas kore waxa uu cinwaan u yahay gabaygan lagu ammanayo hablaha muslimaadka ah ee jirkooda u daboolay sidii ilaahey u dooray, dhanka kalane abwaanku wuxuu kaaga digayaa kuwa caariyaadka ah ee aan u labisan sidii Alle (SWT) u amray.
Gabayga:
dadku magaca guud iyo
dusha waa ka siman yahay
misna kala Damiir roon,
dariiqaad mareysiyo
lama diidi karo calaf,
haddana dood kalaa tiri
Dammanihii hurdaayaa
Dibi dhalay Saciisuye
illeyn Doqoni calaf maleh.
****************************
Warse waxaad ku deydaa
derejada Illaahey
ruux dadaala baa hela,
adna daahir saaxiib
Guur-Doon haddaad tahay
aan kula dardaarmee
ha igu diidin waanada,
Dab nimaan ku joogsanin
Dambas kama fogaadee.
Biyo waxa la doogtaa
inta Roobku da’ayee
dulucdu yey ku dhaafine
dulka Dhegaha maqalkiyo
i amaahi dareenka.
****************************
Daa’iman rag iyo dumar
Allaa nolol isugu daray
qofna kali ma degi karo,
dunida raaxadeeduna
Marwo kaa dambeysiyo
waa Lammaane daacada.
****************************
Deyra yey ku raacine
intaan hooy lawada degin,
midda damacu kaa galay
Dabar iyo Hogaan iyo
hubso Diin ma leedahay.
****************************
Da’da maanta joogtiyo
ogoow dumarku waa laba,
Degga rabbi hanuunshoo
ka dahiran xumaanoo,
daacad kuugu adeegtoo
Dar ilaah kuu adeecda,
iyo Deysan kheyrkiyo
Xaqqa laga dabooloo
damiirkiyo xishoodkiyo
ka maran Dux iyo Iimaan
kala dooro labadaas.
****************************
Dantii mooge weligiis
Dabin kama fogaadee
Daahiroow ubadkaaga
hooyo fiican u door,
Abaar diirataa iyo
qofna Dab iyo meel kulul
Doog iyo Xareed iyo
Har ku doorsan maayee,
dumarkaa xijaabane
sidii ilaaheey u dooray
u daboolay jirkooda
mid ka dooro saaxiib,
ogoow quruxi waa diin
dawo Guurna waa samir.
****************************
Kuwa damacu waalee
midabkoodii doorshee
difaacii jirkoodiyo
iska diiray maqaarkee
dabka saari karin Shaah
damac yaanu kaa gelin,
Caariyaadka diriciyo
marada dacalka feeydane
nin kastaahi daawado
dadka kama xigtide joog.
****************************
Daawashada Aflaantiyo
Damman hees iyo muusik
danteedii ku iloowday,
Dulmi iyo Xan mooyee
ka maran Dux iyo Iimaan,
Dooqeeygaa ku raaciyo
dadkaan kuugu jecelahay,
daraadaa ma seexdoo
anaa adiga kaa daran,
dhowr maalin dabadeed
xiisuhu markuu demo
Dacar noqoy jaceylkii
Dudumo wehel ma noqotee.
****************************
Muran iyo Dagaal iyo
adaan dunida kuunacay
Ifur ku dooni maayee
I maqashii Dalaaqada,
Ilaaheey ku dooriye
Madaxeyga ii daa,
Eray derisku soo baxo
waxaa kaaga Duug roon
inaad Doob ahaatee,
Qalbigii daxaleysta
Waanadu ma deeqdee
ka durug labada daarood
midna darajo malahane,
guri dumay ma fududee.
****************************
Deyra yey ku raacine
intaan guri lawada degin
midda Damacu kaa galay
Dabar iyo Hogaan iyo
hubso Diin ma leedahay.
****************************
Dadka kii ilaaheey
kheyr ladoono dhammaantii
diintuu waafajiyaahe
dumarkaa xijaabane
sidii ilaaheey u dooray
u daboolay jirkooda
mid ka dooro saaxiib,
ogoow Quruxi waa diin
Dawo Guurna waa Samir.
****************************
Daruur soo Hillaacdiyo
Dayaxoo Habeen bara
Sacab lama dul saaree,
xuural ceynta dunidiyo
Duca qabooyinka dhowrsan
Duruuftii ku haysiyo
Danta kuguma nacayaan,
Deyro iyo Saluug maleh,
Dembi iyo Xasarad ma leh,
Dood iyo Qilaaf maleh,
wax Islaamku diidayne
Damiirkoodu ma ogola,
daartii la geeyana
marna Nuurku kama damo,
Ducadiyo adkaartana
kama daalo afkoodu,
Munkar iyo Durbaan iyo
Aroos looma soo digo,
Daaw dhaafka guriyo
ma ogola Daf iyo Miriq,
guriga Daaradiisiyo
Duruustiyo Tacliintiyo
dugsiga kama fogaadaan,
degenaanta Ddebtiyo
Samirkiyo Dulqaadkana
Qalbigaa ku diirsada,
dugsi lagu nagaadiyo
Derin aad ku gama’diyo
soo dhaweyn ku deeqdiyo,
daryeel aad ku qanacdiyo
Xormo ruux aad dabaqdiyo,
Daacad kuu adeegtiyo
Deymo aad ku faraxdiyo,
dibno hadal macaan iyo
Gacan dabacsan naxariis
kuwa loogu Doow galay
nin helaa ma daayee,
****************************
Dadkoo jiifa badankii
intaan Shiikhu Daakirin
Biyo Diiran oo kulul
marwo kuu diyaarida,
dar Allaan ku dhaartaye
midkii loogu daro calaf
liibaanta dunidiyo
daarta aakhiroow helay,
dumarkaa Xijaabane
sidii ilaaheey u dooray
u daboolay jirkooda
mid ka dooro saaxiib,
ogoow quruxi waa diin
dawo guurna waa samir.
****************************
The End


Really waa gabay aad macaan hadana xiiso leh kana hadlaayo xaqiiqda dhabta ah ee jirta Thnx like it………..!!
runtii waxaa jiraa hadaladaan marka qaarkooda waat dareemesaa walaahi aniga gabaygaan aat baan uga helay lakin gabdhaheena somalliyeet miyee saan ku imadaan sidaan waxaa laga helaa gabar kutoosan jitka ale ama dhaqaneeso gurigeda runtii mooduucan sifeecan in an uga hatlo aan jeclay lakin waan daah sanahay web kaan waan sii tix raacayaa iyo muwaadiicdan runtii waan kahelay
walaahi xaqiiqda ayuu ka hadlay wiilkani soomaaliyeed jizzaakalaahu qayran